BAYAAN: Dhaca, Musuqmaasuqa iyo Lunsashada Hantida Qaranka

Aqrisatay:601

Muqdisho, Somalia July 15, 2012 – Xarunta Abaabulka Murashaxa Madaxwaynenimo 2012 ee Dr. Cabdiraxmaan Macalim Cabdullaahi ‘Baadiyow’ waxay soo dhawaynaysaa dabagalka Golaha Amaanku ku sameeyay Dhaca, Musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida Qaranka Soomaaliyeed intii ay ka talinaysay Dowlladda Madaxwayne Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

 

Waxaa murugo leh in lacag gaaraysa malaayiin Doollar ay soo cadeeyeen Gudiga Dabagalka Golaha Amaanka “Monitoring Group” in la lunsaday mudadaas iyadoo la ogyahay in lacagtaas badankeedu ahayd kaalmo caalami ah oo loogu talagalay kabida Hay’adaha Qaranka.

 

Waxaa kaloo warbixinta ku cad in Hay’adihii Dhaqaalaha iyo Sharcigaba ay ka mid noqdeen kuwo loo adeegsaday suurto galinta Dhaca, Musuqmaasuqa iyo Lunsashada hantida Qaranka.

 

Waxaan soo dhawaynaynaa tilaabooyin kasta oo wax looga qabanayo ruux kasta oo ay cadanayso warbixintu inuu Lunsaday, Dhacay ama Musuqmaasuqay hanti Qaran.

 

Dhaca, musuqmaasuqa iyo lunsashada hantida Qaran waa mida wiiqday taabo galida hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya tan iyo markii dib loo soo yagleelay dowladahii ku meel gaarka ahaa ee la soo aas aasay sanadkii 2000.

 

Waxaan dhamaan hay’adaha wadaniga iyo kuwa dawliga ah ee qaabilsan cadaalada iyo hantidhawrka guud, ka codsnaynaa, inay si deg-dega u qaadaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah, sidii loo ilaalin lahaa iyo loo soo celin lahaa hantida qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed laga dhacay xilli ay u baahnaayeen. Waxaanan mar labaad balanqaadaynaa inaan la dagaalami doono, ciqaabi doono dhamaan cidwalba oo hanti qaran lunsata, dhacda kuna takri-falta.

 

Dhamaad

 

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media