Friday, April 18th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Baro Sida Gacalisadaada Ama Gacaliyahaaga aad Ugu Diri Laheed Dhambaal Jaceyl

Aqrisatay:91701

Dhambaal Jaceyl1Haddaba Ku bilow Oo Tix raac Qoraalkaan Si aad U Hanto Qalbigiisa/Qalbigeeda Uguna Beerto Kalsooni Gaamurta Kana Ba’in Had Iyo Jeer:-

marka Hore Iga Hano Salaan Aad U Qiima Badan , Loona Hibeeyo Boqor/Boqorad Adiga Lagu Misaal ah, salaan Diiran Oo Dabacsan Laguna Milay Udgoon Caashaq, kana Timid Uur Daraadaa Walhanayo, Oo aad Utahay Hage Iyo Hilin Tuse, Salaan Katimid Naf Daraadaa Heer yeeysan Una Heelan In Aad Mar Uun Hooy La Heybsato,……..salaan Qaaliya Kadib

Hani-gii/ Hanidii Nafteydaay
Nafta Kii/tii Ay Ku Hirataay
Halbowlaha Wadnaha Idil
Ma Habaayo Dhiigee
Hamigaad Igalisaan
igu Rogay Habaasoo
hurdo Kama Bogsoodee
Hareerteyda Taagnow

waan Hubaa In Aan Ku jecelahay , aadmiga Oo dhanna Kaaga Kalsooni Badanahay, waxaad Ileyskii Indhaha, Iyo Arageyga Guud , waxaan Alle Katuugaa In aan Wada harsano Dadab Qiima Wacan, Haadi, Haaruun, Haweeya Iyo Handa Oo Ah Hoobaanta Caashaqeena Hiiliyahii Na abuuray Noogu deeqo.

Maaha Dhalanteed Iyo Dheel In Aan ku jecelahay, Ee Waa Dhab, Dhinacana Kaaga Beeri Maayo Inta Aan dunidan Kudhax Jiro Oo Adaan Kugu dhaadanayaa, waayo?………waan Kujecelahay.

Sadrigaad Kutaalaa
waad Suurad Wacantahay
sanbabada Wadnaha baad
dhaxda Aad Ka surantahay
siiyaa ikaa baday
sahwi Iyo Ciyaar Iyo
sahal maaha Caashaqu
sagaleey/amma salaadow
wacadkaan Sal gooynana
waligaa ha sii deyn????.

Waan Ku Aaminay, Nafteydana Waxey Ku Jirtaa Gacantaada , Fadlan Ogow Iskuna Day Inaa d Qalbiga Iga Jabin!!!?

Waxaan Kugu Dhaafayaa

waa dhamac Jaceylkuye
dhimbil weeye Daranoo
dhiiga Kaa gubeysoo
dheeftana Hortaagane
haddii Ruux Dhaqaajiya
kula dhilin dhileeyoo
kula Dhayo Aad waayside

marna Waa Dhul doogliyo
Ubax Wada Dhalaalee
amma Dheeman Iyo Dahab
dhame Kuu Hibeeyee
adne Dhawaqa Gara Oo
ha dhantaalin waligaa

Macaane/Macaanto Waxaan Kugu dhaafayaa Qalbi Furan, Jaceyl Quruxsan, iyo Naf Quwad Beeshay , kuna naawilayso, Kuna leh Ii Nagow Oo Nuure Kuma Tuso Nudub Iyo Xumaato………….dhammaad

W/Q Abdukadir Abdalla Abdi

Wiilka Shidan

 geedi322@hotmail.com

+27781645999

Share
  • 17 Responses to Baro Sida Gacalisadaada Ama Gacaliyahaaga aad Ugu Diri Laheed Dhambaal Jaceyl

    1. Maria says:

      Very good

    2. Sawda says:

      Very nice letter

    3. Sawda says:

      Very good, is tough to write similar

    4. Sheekh axmed qotti yare says:

      Very very nice and I tough that I can get the thing that I went

    5. Cabdi!cade says:

      Marka hore wan idin salamay asxbta ku xeran webka salan kadib runti ayan ugu helay gerarada iyo dhanbalada wadna ku mahadsantihin asxbey god bye

    6. Farxaan maxamed says:

      Sxbayal waxan ahay wiil somali.yed magacayguna waa farxaan waxan inta kasalamaya dhaman as xaabta kujirto webka iyo dhaman inta taqano maqal iyo muqalkayga waxan jclahay gbr an yarantena is jclen hadana majogto waxay iga aaday nairobi waxana ladhaha muno muno wan ku jclahay handa imaq layso iyo handa ijeda ba wan ku xiisay i love you muna

    7. xasan salaad says:

      ugu horeyn iga gurooma salaan walal tinimo run ahanti aniga waxan ahay wil somaliyed sxb yaal aniga waxan ahay ruux so arkay jcylka dhibtiisa iyo dheeeftisa waa xanuun badan an la so kobi karin haduu ka wecdo jcylka wa macan hadu kula jiro qofkan jecla mudo waxan jeclaa (7sano ) balse illaah wuu dalacanayay qalbigeyga ugu dambeytina wan helay. lkn dadaal dherad ah ayan mujiyay wana sabray gabadhas her waxay i garsisay waxay i dhahdo aan maya ka horkeenin anigq ma aheyn qofkaas ee wa jaceylka asxabey jaxeylka waa qatar dumarkana naxariis malahan kolkaad runta u shegto way kugu jees jeestaa intaba wan so arkay as xabey qof waliba wu sugaya malin ayu arka lkn waxaa nasiib leh qofki la ieclaado mahadsanidin waxan leyahay bahda (webka) fikirkinu waa qaaali

    8. xasan salaad says:

      gaba dhaas magacedu waa amaal jeyte waxan leyahay i love you

    9. Muna abdulahi says:

      Asc walalayal wa in wada slmy dhamantin

    10. xusni maxamed xuseen says:

      Asc qorayasha barnamijka

    11. hela says:

      Aqiyarta salan sare marka hore hadi an fikirkeyga ka dhibto qof walbo jacel wo somara wana daren sanahay bls sndkn majiro jacayl dhab ah aniga lafteyda samen wayn ayu igu yeshay wuxu aha jacelki igu horeyay mana ilabi karo. Cabdi raxmaan runti dhab ayan ujecladay dhankisana wu sheganaye in u ijecel yahay balse nasib daro kanin ani ma anan ilawin waxan isku dayay in an iska ilawo balse qalbigi aya didan in u ilabo waxa kaso waregtay mudo 2sano adbana ujeclahay

    12. raqiyolove says:

      Wax idin ku slm slnta dunida ugu qalisan o ah asc sln kadib wax ahay gbr somaliyed wax ku nolahay keyna qasitan niarobi wax is jecel lahay wiil waxu iga jira muqdisho anigan wax la nolahay familkega wax rawa ina ado xage ayu jecel kega balse familkega ima ogolo ina baxo wiilkasi wan jeclahay walidkega ma jari karo o is an ku so baxo wa adgtahay marka asxabta dhib kasi ayaa ihesto maxa igula tali lahedan jecelkega xagesi miya ad mise blz fakradin wa imuhiim

    13. fartun abdi says:

      Wax jeclahay an hawada u so marin mahamed waji ilove u for ever

    14. Maxamd salebaan ismail says:

      Wooowo waxaas baa sheeko lagaa dhahaaa waxaan odhan lahaa dadka somaliyeedba way ubaa han yihiin sheeekadan ookale lkn teeda kale tani waa khalad maxaa yeelay waxaa kafaaiidaysanaya gabar/wiil raba in ay jacaylbeen ah uu ku abuuro ayba ku abuurto gabadhuba

    15. Sadam says:

      Wa warqad aadh u macaan

    16. raaqiya love waxaan kugal tali lahaa in aa w alidkaa si dagan wax u fahansiisid jaceelkaada aadna jarin w ax walbana wan rajeynaya in ey kuu dhamana doonaan in sha alaah

    17. farxaan cali says: says:

      aqyaarta waa idan salaamey waa wax loo baxanaa armaha mulshada

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media