Baladweyne Oo Caawa Bandow Lagaliyay & Qaraxyo Laga Maqlay Magaalada :
Aqrisatay:1997
Xaalada magalada baladweyne ayaa cawa dagan iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada ethopia iyo kuwa dowlada kmg ah ee somaliya iyagoo cawa ku soo rogay magalada baladweyne bandow.
Ciidamo farabadan ayaa cawa lagu soo daadiyey magalada baladweyne iyagoo ku amray dadka deegaanka inay isaga xaroodaan magalada cidii la qabtaana ay ka mid yihiin kuwa al-shabaab lana xiri doono .
Waxaa marqura istagay isku socodka dadka iyo gaadiidka magalada baladweyne xili wado ay u tahay baabuurta u kala gooshta gobolada dhexe iyo caasimada muqdisho, caawa ayaa magalafda baladweyne banaankeeda waxaa lagu celiyaay baabuur xamuul ah oo ciidamada ethopianka ah ay ku amreen inaysan galayn magalada gudaheeda caawana ay barya yaan baanka magalada baladweyne waxaana ku jira caaruur iyo haween safar ku soo ahaa magalada.
Wararka aynu ka helayno magalada baladweyne caawa ayaa shegaayo in qarax xoogan laga maqlay iyadoo aan la ogayn waxa uu yahay iyo qasaaraha uu dhaliyaay dhimasho iyo dhawac goobta uu ka dhacayna ay jogaan cidamada ethopia, dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegaayo xiligii ay qaraxa maqleen inay la socdeen rasaas xoogan .
Dhanka Kale magalada baladweyne ayaa cawa dagan iyadoo marba marka ka danbeysa ay soo gordheeyso qasaraha dhimashada iyo dhimashada wararkii ugu danbeyay ayaa shegaayo inay garayaan ilaa 25-qog oo rayid ah iyo dhawaca ilaa 40-qof waraarka ayaa shegayo inay ku jiraan dadkaas kuwii dagalamayey.
Xalada ayaan ah mid dagan magalada banaankeedana waxaa mar marka qaar laga maqlayaa rasaas xoogan oo uu ku jiro qorayga zuuga ah oo magalada ku soo dul qarxaya mana cada cida soo ridayso iyadoo la sgehaayo inay goob aan sidaa uga fogeyn ay joogaan kooxda Al-shabaab.
- Waxii Ku Soo Kordhaa kala Soco Warkeena Xiga :
Warar Xaqiiqaa Kala soco Warbaahinta horyaalmedia Isha Wararka :
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com
Share






















ilaahayow hiraan nabad nooga dhig
amiin amiin amin