AMISOM oo Hanjabaad u Dirtay kooxda Al-Shabaab

Aqrisatay:1141

Taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa ku hanjabay in Alshabaab ay ka saarayaan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Col Cismaan Dubad oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne oo lahadlay warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay waji cusub oo lagula dagaalamayo Alshabaabka ku sugan deegaanada gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada ay usoo xereen tababar islamarkaana ay wehliyaan saraakiil ciidanka ka tirsan ,kuwaasi oo qorsheynaya weeraro ka dhan ah Alshabaabka ku sugan Hiiraan.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan qorshe cusub oo guud ahaan Alshabaab looga wada saarayo deegaanka gobolka Hiiraan ,gaar ahaan degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Barde oo dhanka koofur kaga began magaalada Beledweyne.

Ma jiro war kasoo Alshabaab oo ay kaga jawaabayaan hanjabaadaan kasoo yeertay saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media