Al-Shabaab Watay Waxyaabha Qarxa oo Lagu Qabtay Magaalada Kismaayo
Aqrisatay:1161
Sid aay sheegayaan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay howlgalo ka sameeyen xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,waxaana la sheegay inay kusoo qabqabteen dad falal amni daro ah ka waday magaaldaasi.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro la sheegay inay wateen waxyaabaha qarxa ,waxana baaritaanka ay ka sameeyeen xaafadaha Dalcada iyo Farjano.
Sida saraakiisha ay sheegeen ciidamada dowlada ee ku sugan Kismaayo ciidamada ayaa dadkii ay soo qabteen waxay dhigeen saldhig ku yaala magaalada Kismaayo halkaasi oo baaritaano lagu sameynayo.
Col: Axmed Diini ,taliyaha ciidamada ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in raga qaar ee la qabtay maanta ay ku cadaatay inay ka mid yihiin Alshabaab sida uu sheegay.
Si kasbata dhalinyarada watay waxyaabaha qarxa ee la qabtay maanta ayaa waxaa ay imaanaysaa qabashadooda iyadoo wali Kismaayo ay ka socoto baaritaano ay sameynayaan ciidamada dowlada.
Xafiiska Warbaahinta Horyaalmedia.com
Nairobi_Kenya
Horyaalmedia@live.com
Share





















