Al-Shabaab Oo Kulan La Qaatay Odaysha Janaale Ee Gobolka Shabelada Hoose:
Aqrisatay:844
Kulankooda ayaa waxaa kasoo baxay bayaan ay ku xuseen waxyaabihii ay kulanka kusoo hadal qaadeen’
AQRI BAYAANKA
Kadib kullan ballaaran oo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ay ku yeesheen Degmada Janaale ee G/Sh/Hoose waxaa ay kawada hadleen Shirk u sheeggii Turkiga ka dhacay waxayna Odayaasha kulankooda kasoo saareen Bayaan ka kooban Dhowr Qodob:-
1- Haddii aanu nahay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ma aqoonsanin mana aqbaleyno wixii kasoo baxay Shirqoolkii Turkiga.
2- Cadaawadda Turkiga uu u qabo Diinta Islaamka iyo Dadka Muslimiinta ma ahanmid maanta billaabatay waana mid soo jireen ah.
3- Waxaan cadeyneynaa haddii aanu nahay Beelaha Soomaaliyeed in aysan na matali Karin Odayaal ku sheeggii ka qeyb galay Shirka Shirqoolka.
4- Waxaan ALLAH mahadiisa ah in Shirqoolkaasi Turkiga uu ku caddeystay inuu qeyb ka yahay Duullaanka Soomaaliya lagu soo qaaday, been abuurna ay ka aheyd inuu wax u qabanayo Umadda Soomaaliyeed.
5- Beelaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ma ogolaanayaan Xukun aan aheyn Shareecada Islaamka, Ciddii kasoo horjeesatana waxay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in Naf iyo Maal ay kula dagaallamaan.
Baaq :-
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed waxay ugu baaqayaan dadka Musliminta Caalamka in Walaalahooda Soomaaliyeed ay kala qeyb galaan Dagaalka Jihaadka ee Soomaaliya ka socda.
Haddii aanu nahay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed waxaan ballan qaadeynaa inuu qof walba oo Muslim ah oo usoo hijrooda Soomaaliya aan dalka kusoo dhaweynayno, waxaana siinaynaa Guryo iyo Gabdho iyo Deegaan uu dego.
Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa dadka Muslimiinta Soomaaliyeed inaysan ka caajisin Dagaalka Xaqqa ah oo ay kula jiraan Gaalada iyo inta la shaqeysa, ogaadaan inay Gaalada ku jabeen, kuna jabi doonaan Duuullaankii ay kusoo qaadeen Soomaaliya.
Wabillaahi Towfiiq
Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horeyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaaalmedia.com
Share





















