Al-Shabaab Oo Jidka U Galay Inta U Dhaxeysa Balcad Iyo Muqdisho Ciidamada Dowlada KMG Ah:

Aqrisatay:830

Ciidamo Ka Tirsan Dowlada KMG ah Ee Somaliya ayaa Maanta Waxaa Jidka U Galay Al-Shabaab Inta U Dhaxeysa Deegaanka La Yiraahdo Cali Yaale Oo Hoos Taga Degmada Balcad Ee Gobolka Shabelada Dhaxe.

Gaadiid Dagaal Oo Ay Wateen Ciidamada Dowlada KMG ah Ee Somaliya Oo La Socday Saraakiil Sar sare Oo ka Tirsan Ciidanka Xoga Dalka ayaa Waxaa Wadada U galay Al-shabaab Iyadoo ay Is Wey Daar Sadeen Hubka Nuuc Yadiisa Kala Duwan.

Wararka Naga Soo gaaro Deganadaas ayaa Waxay Shegayaan In Weli Uu Soco Iska Hor Imaadka ay Is Weydaar sanayaan al-shabaab Iyo Ciidamadea Dowlada KMG Ah Ee Somaliya,Lamana Oga Ilaa Hada Qasaraha rasmiga ah Ee Soo Kala Gaaray Labada Dhinac.

Maamulka Degmada Balcad Oo Goor Dhow La Hadlay Warbaahinta Horyaalmedia ayaa U Xaqiijiyay In Dagaalka uu Ahaa Mid Si Dhuumaleysi ah ay Howdka Uga Soo Baxeen Al-shabaab,ayna Weli Ku raad Jogaan Ciidamadii Weerarka Soo Qaaday.

Dhanka Kale Waxa uu Ka Hadlay In Wax Qasaaro ah Uusan Soo Gaarin Dhankooda ayna Wax Yeelo Gaar Siiyeen Ciidamada Al-shabaab ee weerarka Ku Soo Qaday Kolan Yadii Ciidaan Ee mareysay Degaanka Cali Yaale.

Ilaa Hada Ma Jiraan Wax War Ah oo Ka Soo Baxay Xarakada Al-shabaab Iyo Marka Laga Tago Sheega Shada maamulka Balcad In Goolo Ka Soo Hoyeen Weerarkii Lagu Soo Qaday.

Goobahaan Ay Dagalada Ka Dhacayaan ayaa waxaa Gacanta Ku haya Ciidamada Dowlada KMG Ah Ee Somaliya Oo Dhawaan La Wareeragay Degmada Balcad ee Gobolka Shabelada Hoose, Wxaayna Imanaysa Xili Dhawaan Loogu Galay Wadada Madaxweynaha Dowlada KMG Ah Ee Somaliya Oo Booqasho Ku Tagayey Degmada Balcad Halkaasi.

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:

Horyaalmedia@gmail.com

Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media