Al-Shabaab Oo Isaga Baxay Degmada Afmadow Ee Gobolka Jubada Hoose:

Aqrisatay:955

Wararka ka imaanaya Degmada Afmadow ayaa Shegayo In Dagaal Ka Qarxay Saakay ay Sababtay Inay ka Baxaan Kooxda Al-shabaab Oo Ku Sugnaa Wayadii Dambe Degmada.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u kulul ayaa shabaab u suurtoobi waysay in ay ku sii hakadaan degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose, taasi oo keentay in ay Ciidamadooda si Deg deg ah kala baxaan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Gudaha magaalada waxaana la sheegay in daafaha magaalada ay soo gaareen Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa sheikh axmed islaam axmed madoobe.

Sida uu Bogan u sheegay mid ka mid ah dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyaadka shabaab oo ku Hubeysan gaadiidka kala dywan, ay magaalada uga baxeen dhanka Bu’aale ee Jubada Dhexe iyo dhinaca Kismaayo.

sidoo kale wax war ah kama soo saarin shabaab ka bixitaanka Magaalo Muhiim u ahayd, hadii ay xajisan waayeena ay Kismaayo qal Qalgali karto.

Degmada Afmadow ayaa waxay magaala Xeebeedka Kismaayo u jirtaa ilaa 114-KM, waxaa ka baxda wadooyin muhiim ah oo isku xirta Jubada Dhexe, Iyo Gobolka Gedo .

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media