Monday, April 21st, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Abwaan Gabay Ka Tiriyay Kufsiga Loo Geysto Gabdhaha Soomaaliyeed

Aqrisatay:12991

kufsigaWaxan halka uga ducaynayaa Gabadha yar Dhawaan sida foosha xun Mooryaantu ugu kufsadeen Muqdisho, waxan sidoo kale uga ducaynayaa qoyskeeda iyo hooyadii dhashay Gabadha, inuu Ilaahay u caafiyo, samirkoodana ka abaal mariyo. Aad baan uga xumahay xaqdarrada lagula kacay Waa ceeb u taal Soomaali oo dhan. Gabaygan waxan kaga hadlayaa Kufsiga iyo dhibaatada uu u geysto bulashada Waxaana Gabeygaan Tiriyey Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla (Shiino) wxuuna Tiriyey 25 Oktoobar 2012 mar la Kufsadey Gabar 14 jir oo Saxaafada soo Badhigtey . Waxana ka soo qaadaney Qayb ka mid ah Gabeyga
Wuxu yiri:

1. Gef weeyaan Kufsigu lagu Galda’o Gabadh Xijaabnayde
2. Guba Hooyo, Gaasira Ayey, Habaryar Goynteede
3. Gabdhaheenna iyo taan Dhalliyo Caarka Godobayne
4. Kii geystey Naar buu ku geli Goobta Aakhiro’e
5. Ifka kaan lagaga goyn marbaa laga Gudaayaaye
6. Geeri waa ka Daran yahay kufsigu Guullaa Maanacayee
7.
8. Gudcurkii kuwii ugu Gabbaday midan Gugeed gaadhin
9. Gaban Xuura Sebigii kuwii Guudka ku Xambaartay
10. Sidii gaal Amxaaraad raggii Gigayey jiidhkeeda
11. Go’ayeeyda goortay ilmada Gabax ka siinaysay
12. Gollaheeda goortay Maryaha Gacanta saaraysay
13. Nimankii Garayskeeda jaray Gooyey Hilibkeeda
14. Riximkeeda Beynaad ku Godey Xididna Gawsiiyey
15. Waa Geshashkii Ciidammada Gaadhka loo diraye
16. Waa guduri tuutahaw Gashaday Gaade iyo Boobe
17. Mooryaan Qalluubtii kharribay Goofkii Huriwaaye
18. Meeday Dawladdii Goyn lahayd Xaqa Guddoonkiisa?
19.
20. Afartaa dareen Guba Naftiyo lama Garaystaan dheh
21. Gamas igu lignaadiyo Mariid gaadhay Feedha dheh
22. Galiilyo iyo Ciil Gaaxdayoon laga Garaabayn dheh

WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)
Email: mabdalle@gmail.com

Share
  • 3 Responses to Abwaan Gabay Ka Tiriyay Kufsiga Loo Geysto Gabdhaha Soomaaliyeed

    1. gaasira says:

      waa in la xasuuusiyo shacabka soomaaliyeed ciidamada snm ama s/land oo gabadh yar oo13 sano jirta oo loo kufsaday si biniaadam nimada ka baxsan hadhowna loo gawracay gabadhaa sida neefka xoolaha oo kale dhacdadan oo ka dhacday duleedka magaalada xudun ee gobolka sool duleedkeeda bishii nasoo dhaaftay inaa lilaahi waa inaa ilayhi rrajicuun

    2. Sacad daalo.com says:

      Kolka here waxan salamay dhan saxafada madaxa kolxitawaxan salamay mulshawaynta somaliled melkastay kolkaxita waxan fariin udiray maday waynaha dalka jamuriyada soomalia waxan leeyahay mudane madaxwayne codsigayaga waxnogaqabo wadan tansaania waxa laguhayta hablo somaliyed iyodhalinyaro tiradodugadhayso446 iyagalagu edayay igotahribaya alshab oo anwahuba sidan takaleta hablaha soomaliyeed oo iyagana lagulakacay waxdhaqanka bili adamka kabsan olaxidhxidhay sidii xolihii oo imikaqar curadhalan dhacdaa ayaaykadhacday wadanka tansia oytahay qofkii dhiglihi ama islam aha una’u adkaysankarin@0758287071

    3. raaxaruun says:

      Waxan salame horta hore dhamaan aqyarta fikir koda wangsn dhib teen iyo abwaan maxamed axmed intaas kadib waxan weli waxan amini la,aahay gawadhaas yar dhibatada logeeyste iyo falka foosha xun wana kaxumahay ilaahey haiga amaal mariyo xanunkeda iyo haaraad keda intaas kadib waxn leyahay ilaahey samir iyo dulqaad ilaahey hakasiyo walidin teed sapra ayn leyahay kuwii cawaanta ahaay 0o falkaas foosha xun geyste ilaahey hauga amaal mariyo falkey gesteen wajaahil moryaan moyaan dhashay waye meel xun allah katuro gawdhas markinta eh xanunkey ugeeysten mid kadaran oka ciqaab badan ayan kuogahay ilaahey idinkis, asc,

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media