Abuu Muscab”Si Dirqi Ah Ayuu Nooga Badbaaday Madaxweyne Shariif Lakiin Gacantena Ayuu Sabab Sanaa”

Aqrisatay:537

Afhayeenka shabaab abuu Muscab aya sheegay in shalay falkii ay ku Weerareen Gaadiid la socday Madaxweyne shariif, oo ka yimid afgooye in ay lahaayeen mas’uuliyada.

Muscab oo la hadlayay Idaacada Taageerta shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Mujaahidiin uu sheegay in ay qasaare u gaysteen Kolonyada gaadiidka la socotay shariifka.

“ Murtid shariif si dirqi ah ayuu ku badbaaday, waxaana jira qasaare soo gaaray Gaadiidkii la socday, taangigii uu saarnaa Xataa Rasaasta way Gaartay”ayuu yiri Muscab.

“ waxa uu Rabay in dadka uu Tusiyo in afgooye iyo Wadada loo maro ay tahay Nabad, taasna waxa ka Raacay wuu arkay markale afgooye kuma soo laabanayo, dadkana waxaan u sheegaynaa Mujaahidiinta ayaa joogta deegaanadaas”ayuu markale yiri.

“ si Dirqi ah ayuu ku badbaaday shaydaan shariif, waxaana Rajaynaynaa marar badan ayuu badbaaday in markale uusan Gacanteena Ka bad baadaynin”ayuu yiri Abuu Muscab.

Sidoo kale ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay sarakiisha Dowlada KMG ee ku aadan sheegashada shabaab falkii shalay lagu weeraray gaadiid uu la socday Madaxweyne shariif oo ka yimid degmada afgooye.

 

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:

Horyaalmedia@gmail.com

Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media