Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Aabaha Dunida ugu da’da weyn

Aqrisatay:2266

Nin beeraley ah oo u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Ramjeed Raghav ayaa noqday aabbaha caalamka ugu da’ weyn ee dhalay cunug yar xiligan isagoo 96 sano jir ku dhalay wiil yar.

Ramjeet Raghav iyo xaaskiisa Shakuntala  ayaa dhawaan dhalay wiilkooda labaad isagoo wiilkiisii horena ku dhalay da’da 94 jirka .

Ramjeed oo ay ka muuqato diifta duqnimada ayaa waxuu hadana sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu cimrigan    ku dhalo ubad waxuuna sheegay inay tahay Alle awoodiisa waxaasi oo dhan waxuuna intaas raaciyay inuu aad u raadin jiray uuna 3 ilaa 4 jeer u galmoon jiray xaaskiisa isagoo xusay inay muhiim tahay in uu fuliyo waajibka gogosha ka saaran uuna jameeca ku dadaalo marwalba inuu sameeyo waajibkiisa.

Waxuu sheegay sidoo kale inuu cabo subag iyo caano , caafimaadkiisana uu aad u wanaagsan yahay xaaskiisana ay jeceshahay dhaqankiisa jiifka iyo howshaba waxaana uu Ramjeet oo 96 jir ah sheegay in xaaskiisa Shakunta oo 50 jir ahi ay aad u jeceshahay kuna faraxsantahay inuu ahaado odaygeeda.

Waxaa odaygani oo ilkahu daateen uu saxaafadda usoo bandhigay cunugiisa isagoo farxad muujinayo , ayna ka muuqatay sida uu u xiiseynayo inuu aabbe ku noqday cimri gaboobay.

 Email: Horyaalmedia@live.com

 

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media