DHAGEYSO: Ciidamo uu Hogaaminayo Sh. Xasan Yacquub oo Gaaray Galgaduud

Aqrisatay:629

Ciidamo aad u fara badan oo Shabaab ah isla mar ahaantaana uu hogaaminayo Xasan Yacquub Cali Gudoomiyaha Shabaab ee Galgaduud ayaa gaaray deegaan ay ku dagaalameen beelaha Duduble iyo Saleebaan ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay dhimashada dad ka badan 35 ruux iyo dhaawaca kuwa kale oo beelahaas katirsan, inkastoo qasaaraha uu intas ka badnan karo.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigeen beelahan dagaalamay.

Waxaa uu sheegay in aysan raali ka noqon doonin dhiiga beelahaas walaalaha ah isla markaana ay ka mamul ahaan xal rasmi ah gaari doonaan.
Al-Shabaab ayaa horey loogu eedeeyay in ay kaalin ka qaateen dagaalkaas ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Email: horyaalmedia@live.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media