2 nin oo walaalo somaali ah oo lagu xiray Denmark
Aqrisatay:1154
Police ka Denmark waxeey shegeen in labadan nin lagu kala qabtay dhoowr melood mid kamid ah waxaa lagu qabtay garoonka diyaradahaee copenhegan halka kan kalana laga qabtay magalada aarhus
Xarriga labadan Soomaalida ah ayaa waxa iska kaashaday ciidamada ammaanka Denmark iyo hey’adaha sirdonka, kuwaasi oo sheegay in looga shakiyay labada nin inay diyaarinayeen ficil aragagxiso ah, isla markaana ay ka waa hadleen meelo ay bartilmaamdeesan lahaayeen., qaabka ay u gali lahaayeen iyo hubka ay isticmaalayaan.
Mid ka mid ah walaalaha ayaa waa lagu eedeeyay in uu tababar kula soo qaatay kooxda islaamiga ee Soomaaliya ee alshabaab, xero ku taala Soomaaliya.
Waxa la horkeeni doonaa raggan Soomaalida ah maxkamadda maanta.
Dadka arrimaha la socda ayaa sheegay in Denmark ay bartilmaameed u noqotay kooxaha argagaxisada ee Islaamiyiinta ah sanadihii ugu dambeeyay, sababtuna ay tahay ku lug lahaanshaha ciidamada Denmark ay qeybta ka yihiin Dagaalada Ciraaq iiyo Afghanistan, iyo weliba sawirro gacmeedyo wargeys ka soo baxa dalka Denmark uu soo saaray kuwaasi oo ay aad uga carroodeen muslimiinta oo ay wax kaga sheegeen nabi muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
W/D/cabdulqadir cabdulaahi maxamuud zuzu
+211912564550
Share






















taleexnews