Wednesday, April 23rd, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

150- Haween Soomaali ah oo Loo Heyso Kiis Dambiyeed Dalka Britain.

Aqrisatay:4321

fdSharci cusub ayaa ka soo baxay Hay’adaha amaanka ee Britain, gaar ahaan (Met) taasi oo wax looga qabanaayo waalidiinta Gabdhahooda uguda Gudniinka loo yaqaano Fircooniga (FGM).

Waalidiinta iyagu Gabdhahooda u soo dhoofiya Qaarada Africa si ay ugu soo gudaan, ayaa lagu soo waramay inay muteysan doonaan in Maxkamad la soo taago, si loogu qaado dambiga ah inay Gabdhahooda soo gudeen.

Saraakiisha Hay’adda (Scotland Yard), ayaa sheegay in waalidiinta, Qaraabada iyo kuwa kale ee qaban-qaabiya Dhoofinta gabdhaha la soo gudo loo aqoonsan doono Dambiilayaal xad-gudub ku sameeyay Caruurta .

Booliska Britain ayaa ka sheegay dhageysi Baarlamaan inay sii kordhayaan tirada Gabdhaha yar yar ee da’doodu ka sareyso Lix jir ee laga duuliyo Magaaladda London si loogu soo gudo Qaaradda Africa.

Booliska waxay sheegen in Caruurta Gabdhaha la soo gudo ay xanuun farabadan ka qaadan Gudniinkaasi oo lagu jar jaraayo Xubinta Taranka ee Gabdhaha.

Hay’adda (Met) ayaa sheegtay inay hayan ku dhawaan 150-Kiis oo Gabdho la soo guday oo noloshooda qatar lagu galshay qaliinkaasi.

Efua Dorkenoo oo Madax ka ah Urur samafal oo lagu magacaabo Sinnaanta Haatan (Equality Now) oo xaruntiisu ku taala London, ayaa sheegtay in qaar kamid ah Gabdhaha waaweyn si dhuumaaleysi lagu soo gudo, iyadoo waalidka arintaasi uga hortagayaan si aysan gabdhahooda u noqon reer galbeed.

Waxay ka digtay in inta badan Gabdhaha dhibanayaasha u ah Gudniinkaasi ay yihiin kuwa Da’da dugsiga hoose ku jira.

Nimca Cali oo kamid ah Soomaalida dagan London ayaa sheegtay in Hooyadeeda ay somalia u waday iyada oo 7-sano jir ah si loo soo gudo.

Nimca oo haatan Shaqaale Dowladeed oo 19-sano jir ah kuna nool Galbeedka London, ayaa sheegtay inay xasuusato in sakiin loo adeegsaday si loogu gudo, waxayna xustay in Hooyadeed rumeysneed in gudniinkaasi uu yahay mid hagaagsan

Nimca oo Aasaastay Koox u dhaq-dhaqaaqdo joojinta Gudniinkaasi ayaa sheegtay in Magaaladda London haatan noqotay Caasimada kaliya ee Yurub lagu fuliyo Gudniinka Fircooniga (FGM), waxayna intaasi ku dartay in Gudniinkaasi lagu sameeyo Guryaha iyo qeybo katirsan Rugaha caafimaadka (Clinics).

Xigasho: soomaalidamaanta

 

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media