15 jir Hooyadiis si xun ugu dilay Xaafada Gubta ee degmada Dayniile(Qiso Naxdin Leh)
Aqrisatay:11775
Waxaa shalay Xaafada Gubta ee Degmada Dayniile ka dhacday dhacdo Xanuun Badan oo dad badan ay la ilmeeyeen kadib markii Wiil Dhalinyaro ah uu bir sidii uu ugu garaacayay Hooyadiis nafta kaga qaaday.
Wiilkan Dilka geestay oo Da’diisa lagu qiyaasay 15-jir ayaa la sheegay in uu ahaa Wiil Madaxa looga jiray ama Waalnaa mudooyinkana ku xirnaa sil silado si looga bad baadiyo in uu baxsado sidoo kale waxyeelo uu gaarsiiyo dadka deegaanka.
Goob jooge Gubta kusugan ayaa noo sheegay in Shalay Wiilkan madax looga jiray Hooyadiis oo daalan ay guriga timid kadibna ay darin jiifsatay iyadoona xarigii wiilkeeda ku xirnaa kasoo furtay si uu lugaha uga istaago oo xiligaasi ay xanuun iyo daal ka dareemeysay ,maxaasa dhacay Xiligaasi kadib.
Wiilka Madaxa looga jiray ayaa in mudo ah Hooyadiis ku is istaagay isagoona ugu dambeyn soo qaatay bir xoog badan oo agtiisa taalay kuna bilaabay Hooyadiis oo xiligaasi gada cad u jiiftay isagoona Birta madaxa kaga bilaabay kuna waday ilaa ay ka naf baxdo mana jirin cid ka agdhaweed Hooyada iyo Wiilkeeda oo xiligaasi kala qaban kartay.
Hooyada ayaan u geeriyootay garaaciidii uu u geestay Wiilkeeda Madaxa looga jiray iyadoona la sheegay in Wiilkan ay aheed markii ugu horeesay ee xarigii iyo sil siladii ku xirnaa laga furo , dhacdadan ayaana noqotay mid aad looga hadal hayo wali Xaafada Gubta oo katirsan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir iyadoona ehelada Hooyadaasi ay wali dareemayaan xanuunka geerida ku timid Hooyadaasi oo sabab u noqday Geerideeda Wiilkeeda.
Xafiiska Warbaahinta Horyaalmedia.com
Muqdisho_soomaaliya.
Email: Horyaalmedia@live.com
Share






















Wlh wa arin laga naxo allah unaxaristo maamada sorry maama
waa qiso naxdin leh Walahi Allaaha u naxaristo hoyada Sida xun wilkeda u dilay weyna u qorned ilaheyna ha u naxaristo Walahi waa wax Laga argagaxo
Ilahay hakuu naxa riisto!!~~ Janada alaah kawaraabi inshaa alh!~~~
Wlh Waa qiso laga naxo ilahayna ha u naxaristo mamada
Ilahayo kawarabi mamada jinatul fardoso waa uqorned in uu sabab sado wilkeda madaxa loga jiro dadkii ay kadhimatay sabar iyo iman allaha hakasiyo ayadane jinatul fardosa allaha geyo inti muslin oo dhimatayna allaha jinatul fardosa hageyo